Thursday, May 19, 2011

Dawladda Ingiriiska oo Shaacisay in Somaliland Ictiraaf Heli Doonto Xilli ka mid ah Mustaqbalka

Addis Ababa- Dawladda Ingiriiska ayaa markii u horeysey shaacisay in Jamhuuriyadda Somaliland xilli ka mid ah mustaqbalka ay aqoonsi buuxa ka heli doonto beesha caalamka, maadaama ay tahay wadan dimuqraadi ah oo bulshadiisa daryeela. Sida xalay lagu faafiyey bogga Internet-ka safaaradda Ingiriiska ee magaalada Addis Ababa, waraysi lala yeeshay safiirka Boqortooyadda Ingiriiska u Fadhiya Itoobiya Mr. Norman Ling, ayaa daboolka ka qaaday in dimuqraadiyad qurux badani ka jirto Somaliland, taasi ay horseedi doonto in aqoonsiga Somaliland dhici doono mustaqbalka, isaga oo aan carabaabin xilliga iyo wakhtiga uu rajaynayo in Somaliland la ictiraafi doono. “Annagu waxa aanu doonaynaa waa sidii aanu u kordhin lahayn taageerada aanu siino Somaliland oo horeba u muujisay dimuqraadiyad qurux badan, isla markaana daryeesha bulshadeeda, haddii ay taasi aqoonsi u horseedi doontana waxa laga yabaa in aqoonsiga Somaliland dhici doono xilli ka mid ah mustaqbalka,” ayuu yidhi safiirka Ingiriiska u fadhiya magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya. Safiirka Ingiriiska oo la weydiiyey in aqoonsiga Somaliland si dhakhso ah u dhici doono, waxa uu ku jawaabay, “Kuma Xidhna in wadan qudhi aqoonsado dal, laakiin waxay u baahan tahay in dalal badani go’aan ka gaadhaan in la joogo xilligii Somaliland loo aqoonsan lahaa wadan madaxbannaan, waxa kale oo jira in arrimuhu ku xidhan yihiin waxa ka dhacaya Koonfurta Soomaaliya, mid ka mid ah figradaha qurxinaya madaxbannaanida Somaliland, ayaa leh arrimuhu waxay ku xidhan yihiin maamulka Puntland oo haddii ay wadahadal toos ah la geli lahaayeen, waxa soo bixi lahaa natiijo ka duwan oo wax-ku-ool ah. Laakiin mar kasta oo xaaladda Soomaaliya sii qasanto oo dawlad dhexe oo shaqaysa la waayo, Somaliland horumar sii samayso, waxa sii xoogaysanaya qadiyadda aqoonsiga Somaliland. Waa markii u horraysay ee wadan ka mid ah beesha caalamku, gaar ahaan boqortooyadda Ingiriisku shaaciyo in aqoonsiga Somaliland dhici karo wakhti ka mid ah mustaqabla. Arrintaasi oo yididiilo fiican u ah dadweynaha reer Somaliland ee mudada 20-ka sanno ah halganka ugu jiray sidii adduunku u ictiraafi lahaa.

1 comment: